Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa xabsiga dhigay qaar ka mida ciidamada ilaalada xarunta degmadaasi oo maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacay.
Askartan oo saddex xubnood ka kooban ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ku qornaa ilaalada iridka laga galo xarunta degmada oo gaari sida waxyaabaha qaraxa uu gudaha u galay kadibna is qarxiyay.
Sheekada dhaxmaray askariga iyo ninkii geystay Qaraxii maanta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Gaariga Homey-da ah ee Mooska siday ayaa waxaa qabtay Askari ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada ee Canshuuraha qaada.
Waxaana uu weydiiyay Canshuur?!!
Darawalka waday Gaariga is qarxiyay ayaa yiri “ Ma Moos ayaa la Canshuuraa”?
Askarigii ayaa ku jawaabay “ Maxaa loo canshuuri waayay”?
Kadib Darawalkii ayaa ku yiri Na geey Sharciga , haddii Moos Canshuur la iiga qaado waa la arkaaye.
Askarigii ayaa inta soo raacay Homey-dii u soo kaxeeyay dhanka Xarunta degmada isagoo u sheegayay Ciidamada kale in Gaarigaan ay ka leexdaan oo dacwo loo heysto.
Sidaas ayaana lagu gudbiyay Homeydii.
Waxaana markii ay u suura gashay in ay Gudaha u gasho Xarunta degmada Wadajir Homeydu , durba Qaraxay Gaarigaas oo sidoo kale uu la socday Askariga soo kaxeeyay oo Mindhaa Komoshin ku yeelan lahaa haddii la Canshuuro gaarigaas.
FG: Haddii ay sidani run tahay qaraxyada Muqdisho muddo 11 sano ah ka dhacayay wax cashar ah oo laga bartay ma jiraan.